November 7, 2012 | Posted by admin

Rochester, MN (Duhur): Barack Obama, oo ah madaxweynihii ugu horreeyey oo madow ah oo soo mara dalka Mareykanka ayaa xalay mar kale dib loo doortay mar kale, kaddib markii uu cod aqlibayad leh kaga guulaystay musharaxii la tartamayey ee ka socday xisbiga Jamhuuriga Mitte Romney.

Dadweynaha Mareykanka ayaa shalay u dareeray mid ka mid ah doorashooyinkii ugu adkaa ee soo mara dalkan, marka laga hadlayo loolanka siyaasadeed iyo adeegsiga dhaqaalaha ku baxay intii ay socotay, iyadoona malaayiin kun oo doolar ay ku baxday xayeysiiska warbaahinta olo-olaha doorashada.

Hase ahaatee madaxweyne Obama oo markii uu xaqiiqsaday guushiisa meel fagaare ah oo ku taaka gobolka Chicago kula hadlayey kumaan taageereyaashiisa, ayaa sheegay in uu qadka taleefoonka ku wad hadleen Mitt Rombey, islamarkaana ay isla meel dhigeen sidii loo sii amba qaadi lahaa horumarka wadanka labada xisbina iskula shaqayn lahaayeen.

Hadaba Soomalaida ku nool Gobolka Minnesota gaar ahaan Magaalada Rochester ayaa ka qaybgalay ololaha doorashada iyo xafladii loogu dabaal degayay xisbiga Dimoqoraadiga, waxayna si aad ah ula shaqeeyeen Soomaalida waxayna ku guuleeysteen inay dib u soo celiyaan dhamaan madaxdii u matalaysay dowlada dhexe iyo tan gobolka tani waxay ahayd taariikh gashay baaldahab ah.

NORTH AMERICA DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW

COMMENTS