February 2, 2014 | Posted by admin
Holland (duhur): Waxaan sanadkii la soo dhaafay ila iyo sanadkan socday wadatashiyo iyo shirar loogu gogol xaarayo sida ay Beesha Absuge Qombor u yeelan lahaayen Nabadoon Dalka Holland oo Jaaliyada Absuge xoog ku leeyhiin, iyo wadankasta oo beeshu degto inuu nabadon yeesho taasoo ah waajib.
Hadaba, Kulan aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday odoyaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Culumaaudiinka, Dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Absuge Qombor oo ka mid ah beesha weceysle ayaa lagu qabtay magaalada Eindhoven ee wadanka Nederlanad. Kulanakaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhalinyaro u istaagtay ayaaha Beesha Absuge Qombor iyo iska warqabkooda, ugu horeyn hadalka waxaa furay mid ka mid ah qabanqaabiyaasha Munaasabada aqoon yahan Kamaal macalin xassan taabule. Waxuu yiri: ”Walaalayaal marka hore waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida quruxda badan aad nooqa aqbasheey casuumaada aan idiin fidinay, Inta ka soo qeybgashay iyo inta aan imaan ee ku qanacsan waxii ka soo baxo goobta, waxaan guda galeynaa nuxurka kulankeena maanta marlabaad waxaan idin leenahay anigoo ku hadlaayo magaca qabanqaabiyayaasha  mahadsanidiin”.
Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo ka soo qeybgalay Wafdi iskugu jira siyaasiyiin, Aqoonyahano Nabadoono ka kala yimid wadamada Qaarada Yurub. Waxaa goobta shirka hadal cajiib leh ka jeediayay Nabadoon Aadan Wardheere oo aad ula dhacay sida ay iskugu duubay yihiin bessha Absuge hadalka  nabadoon aadan wardheere waxaa ka mid ahaa: ”waxaa aad ii farxad galiyay walaalayaal sida aad iskugu duuban tihiin  iyo sida aad i  isku qadarineysaan waxaan idin leeyahay walaalyaal noqda kuwa waligood isku duubnaado oo waxtar yeesha Waceyslana wax u qabta”.
Waxaaan idnkala kulmay waxaan gaarsiin doonaa walaalihiin ku nool Dalka UK. Sida aad ii noo soo dhaweyseen iyo gogosha quruxda badan ee aan caawa joogno waxay ka marqaati kacaysaa in Beesha Absuge Qombor isku duubnidii iyo kala danbeyntii lagu yaqiinay inay ka muuqato meesha. Marka dhalinyara caawa waxaan arkaa in ay yihiin aayaha mustaqbalka beesha, Dalka iyo dadkaba. Isagoo hadlkiisa sii wata ayuu raaciyay;  waxaadne ogaataan maanta  wax walbo waxaa wadi karo dhalinyaro marka aad baan idiin taageeryaa waxaan idin leeyahay guuelysta walaalayaal.
.
Markaa kadib waxaa la guda galay sidii loo dooran lahaa Xubnihii hogaamin lahaa beesha Absuge Qombor, waxaa lagu doortay goobta 5 xubnood oo ah Gudi ku meel gaar ah  waxaana loo doortay.
  1. Kamaal macalin xassan taabule
  2. Liiban Axmed sabriye
  3. Cabdi Cali Casir Kabotooy
  4. Cabdirisaaq Garmeele
  5. Xassan Saalax
Markii la doortay 5 xubnood ayaa waxaa hadane la guda galay Doorashada  nabadoonka beesha, Waxaana duqa Beesha absuge Qombor loo doortay Nabadoon Naaji Muxudiin Sheekh Axmed Caraay, nabadoonka ayaa loogu hambalyeyay looguna  duceeyay in allaah la garab galo xilka loo dhiibay ayadoona shirweeyne beesha ay isku imaan doonto goobta looga dhawaaqayo.
Nabadoon Naaji ayaa aad uga mahad celiyay xilka culus ee loo dhiibay ee culeyska badan waxuuna  ka codsaday  jaaliyada beesha  in xilkaan garab lagu siiyo maadaama uu yahay xil culus, odayaasha ayaa u balan qaaday in dhamaan lala shaqeyn doono wax kastoo oo u baahnaado Nabadoonka iyo in garabkiisa la istaagi doono. Waana lagu ijaabeeystay Kulankaas.
.
Dad aqoon deer u leh oo ka hadlay doorashada Nabadoon Naaji ayaa waxay ku sheegeen Masuulkas inuu u qalmo xilka loo dhiibay aqoon dheerna u lee yahay dhaqanka beesha iyo kan guud ee Beesha Waceysle waxaana laga rajaynayaa inuu hogaamiyo Beesha sidii looga bartay ee kartida iyo codkarnimada lahayd.

WAKIILKA DUHUR MEDIA HOLLAND

SAYID ALI CASEEYR

NEDERLAND

COMMENTS