April 5, 2014 | Posted by admin

Wararka aan ka helayno degmada Xudur ayaa xaqiijinaya in Isaaq Maxamed Iidor oo ka mid ahaa amiirada ururka Alshabaab oo isu soo dhiibay ciidamada dowlada toddobaadkii la soo dhaafay ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in la cafiyo.

Sarkaalkan hore ugaga tirsanaa ururka Alshabaab ayaa waxaa uu meel fagaare ah dadka ku nool degmada Xudur kala hadlay isagoo cadeeyay in uu ka baxay ururka Alshabaab isla markaana uu weydiisanayo shacabka Soomaaliyeed in aan loo raacin waxyaabihii hore uu u sameeyay intii uu ka mid ahaa ururka Alshabaab. I

Isaaq Maxamed Iidor ayaa waxa uu hore ugaga soo noqday degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe taliyaha saldhigga degmada Mahaday sidoo kale waxa uu ka ahaa madaxa dacwada ee ururka Alshabaab ee degmada Xudur gobolka Bakool.

Waa markii ugu horeysay ee amiir ka tirsanaa ururka Alshabaab oo derejo sare ka hayay ururkaas uu meel fagaare ah ka sheego inuu ka baxay ururka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa dagaal kula jira ururka Alshabaab waxana soo baxayay dhowaan warar tilmaamaya in dhalinyaro hore ugaga tirsanayd ururka Alshabaab ay galayaan gobolada ay maamusho Puntland.

COMMENTS