October 9, 2017 | Posted by admin

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta lagu weeraray magaalada Muqdisho, iyadoo weerarka uu dhaawac ka soo gaaray, 

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Sarkaalkan lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Cumar ku weerareen inta u dhaxeysa degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xilliga Sarkaalkan la weeraray uu gaari uu watay shidaal ku shubayay, iyadoo kooxdii weerarka geysatay ay baxsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Gaadiidka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobtii uu falka ka dhacay, lama oga hadii ay dad ku soo qabteen iyo in kale, inkastoo kooxdii weerarka geysatay ay baxsadeen.

COMMENTS