April 16, 2017 | Posted by admin

Sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda toogasho ku dileen Labo burcad badeed ah halka mid kalana ay dhaawaceen Sabtidii shalay.

Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah xoogagga la dagaalanka burcad badeeda ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal burcad badeed ah kadib markii Markab kuwa ciidamada ah uu rasaas ku furay meel aan ka fogeyn gacanka cadmeed.

Lix kale oo ka mid ahaa burcad badeeda ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen weerarka ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda.

Dadka deegaanka lagu magacaabo Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegay subaxnimadii maanta lagu arkay xeebta meydadka labo ruux kuwaa loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen burcad badeeda.

oTodobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa sare u kacayay dhaqdhaqaaqa kooxaha burcad badeeda ah oo sanadihii ugu danbeeyay hoos u dhac weyn ku yimid weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta .
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS