January 8, 2013 | Posted by admin

Qarax ksn gscsnta laga tuura ah ayaa xalay lagu qaaday gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Booliska Kenya, Gaarisa ayaa marayay bartamaha magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in afar ruux ku dhaawacantay oo saddex ka mid ah ay ahaayeen saraakiisha iyo qof rayid ah, markii kooxo aan la garan ay bam ku tuureen gaariga ay wateen booliska.

Saraakiisha Booliska Kenya ee Gaarisa ayaa sheegay in weerarkaas kooxihii ka dambeeyay ay baxsadeen, hase ahaatee ay baadigoob ugu jiraan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee sanadkan ka dhaca Gaarisa, inkastoo dhamaadkii sanadkii hore ay qalalaaso weeraro foolxumo ah ka dhaceen magaalada Gaarisa.

Sanadkii aan soo dhaafnay ee 2012 dhamaadkiisii ayay aheyd markii shan askari lagu dilay Gaarisa, kuwaasoo ay si gaadmo ah u toogteen kooxo Hubeysan oo heybtooda la garanayn.

COMMENTS