April 14, 2014 | Posted by admin

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku toogtay Sarkaal ka tirsan Hay’adda nabadsugidda ee Dowladda Federaalka, iyadoo ay dhaawaceen mid kale.

Sarkaal lagu magacaabo Axmed Sheikh Cabdulle oo ka howlgalayay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa kooxo ku hubeysan baastoolado ku dileen degmada Kaaraan, Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xassan Yalaxoow.

Wuxuu ku eedeeyay Ururka al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dilka, isagoo sheegay in ay falkaas u qab qabteen dad dhowr ah oo baaritaano lagu sameynaayo.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho laga saaray Ururka al-Shabaab, waxaa soo batay falalka dilalka qorsheysan oo lala beegsanaayo saraakiisha laamaha amaanka iyo masuuliyinta Dowladda.

COMMENTS