May 17, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wararka ka imaanayo gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in qarax xoogan uu halkaasi ka dhacay kaasi oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.

Sida masuuliyiinta Ururka Ahlusuna ay idaacadaha u sheegeen qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid shabaab ay ku aaseen dhulka kadibna iyaga ay ku qaraxday.

Sheekh Cabdi Axmed Biyo Quute madaxa howlgalada Ururka Ahlusuna ee Degmada Ceelbuur ayaa idaacada Risaala u sheegay in raga qaraxa ku dhintay ay ku jiraan sida uu hadalka ku sheegay saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo hogaamin jiray ciidamo ku sugan deegaanka Ceeldheer ee gobalkaasi Galgaduud.

Wuxuu intaa raaciyay xilliga qaraxa uu dhacayay in saraakiishani ay saarnaayeen gaari nooca loo yaqaan SURF dabadeedna uu dul maray goobta uu ku aasnaa qaraxa.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay ku aasaan dhulka qaraxyo iyadoona ay la bartilmaameedsadaan ciidamada dowladda, Ahlusuna iyo ciidamada kale ee taageera.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan qaraxan la sheegay in uu ku qarxay gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ku sugan gobalka Galgaduud.

COMMENTS