August 19, 2015 | Posted by admin

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo  lagu magacaabo Jaamac Muuse ayaa saxaafadda u sheegay in  saddex ka mid  ah horjoogayasha Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowlada.

Wuxuu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay ragga ka tirsan Al-Shababa ee isku soo dhiibay ciidamada dowlada.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab  uu isna isku soo dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Bakool.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgalo ay maalmihii la soo dhaafay ka wadeen koonfurta Soomaliya waxay Al-Shabaab kala waereegn deegaano muhiim ah.

COMMENTS