August 12, 2017 | Posted by admin

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa iska casilay xubinimadii Guddiga Wadajirka Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal, kaasoo todobaadkii hore uu ku guuldareystay in loo doorto Guddoomiyaha Guddiga.

C/raxmaan Faroole ayaa dadaal badan ugu jiray inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga dastuurka labada Aqal, inkastoo uu ka guuleystay Senator Cabdi Qeybdiid.

Kulan Xildhibaanada Aqalka sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.

Mr Faroole ayaa ku sugneyn Aqalka sare, xilliga laga akhrinayay warqada is casilaada iyo baaqa Guddoonka ee ku aadanaa buuxinta booskaas.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada Aqalka sare in la buuxinayo kursigaas, iyadoo xubinta buuxineysa ay iska soo dhex dooran doonaan Xildhibaanada Aqalka sare oo cod loo qaadi doono.

 

Guddigana ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah 5 xubnood ka socda Golaha shacabka iyo 5 xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood ah Rag.

COMMENTS