November 15, 2012 | Posted by admin

Waxaa  Xlay ku geeriyooday Dalka Sudan gaar Ahaan Magaalada khartoum Safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudan  Prof: Mahdi abuubakar Maxamuud.

Marxuumka ayaa Magaalada Khartoum u joogay Dawaynta Xanuun in Muddo ah haayay oo dhanka Wadnaha ahaa.

Xalay  ayaa Marxuumka laga war helay Dhimashadiisa ka dib markii uu ku Xirnaa Muddo 3 Cisho ah guri uu kaligiis ka daganaa Magaalada Khartoum ee caasimadda Dalka Sudan.

Marxuumka ayaa Xilka safiirnimada soo hayay Muddo 3 sano ah isagoo sidoo kale Safiir kasoo noqday wadamo kale oo ay ka mid tahay Iran .

COMMENTS