December 18, 2014 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayay ayaa maanta kaga qeyb galay magaalada Kismaayo xaflad lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ee ka midka ahaa howl galka AMISOM, kuwaasoo ka baxaya Soomaaliya.
safar-kismaayo-4

Xaflada lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha ciidanka Kenya iyo Sierra Leone, waxaana Madaxweynaha uu bilad gudoonsiiyay Taliyaha Seirra Leone, isagoo ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen howl galka AMISOM mudadii sanadka aheyd ee ay joogeen Jubooyinka.

Ciidamada Seirra Leone ee ka baxaya Soomaaliya ayaa sababta dalkooda ay dib ugu laabanayaan ay tahay, kadib markii la waayay ciidamadii bedeli lahaa, maadaama uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ka hadlay xafladii lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ayaa sheegay in ciidamadan ay si aad ah uga qeyb qaateen howlaha sugida ammaanka, sidoo kale waxaa uu xusay in Midowga Afrika ay ciidamo kale ku soo bedelayaan, hase ahaatee dalka uu noqonayo ayaan la magacaabin.

Taliyaha qeybta Kismaayo ee howl galka AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Seirra leone ay qeyb weyn ka qaateen howl galkii ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab, waxaana uu amaanay doorka ay ka qaateen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sababta ciidamadan dalka uga baxayaan aanu aheyn amar ka yimid dowladda, balse uu ahaa amar ka soo baxay Midowga Afrika, maadaama la waayay ciidan bedela, kadib markii dalka Seirra leone uu ka saameeyay cudurka Ebola ee ku faafay wadamada galbeedka Afrika.

Ciidamada Seirra leone oo gaarayay ilaa 850 askari ayaa fariisin ku lahaa duleedka Kismaayo iyo deegaano ka tirsan Jubooyinka, waxaana ciidamadan ay kaga duwan yihiin ciidamada kale ee AMISOM, iyagoo qibrad u leh xaga dagaalka, maadaama dalkooda uu dagaal sokeeye soo maray.

COMMENTS