December 30, 2012 | Posted by admin

Tripoli: Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa shaacisay magacayada 16 dhallinyaro Soomaali ah oo shil gaari ku geeriyooday meel ka baxsay caasimadda dalka Liibiya Tripoli.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya C/qani Max’ed Waceys oo la hadlay VOA ayaa sheegay iney haleen magacayada 16 dhallinyaro tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday shilkaas.

Danjire C/qani ayaa sheegay in magacayada qaar la dhameystiri waayey maadaamada dhallinayarada wada socotay ay safarka intooda badan ku kulmeen, islamarkaana iska garanayeen magacyada hore oo kaliya.

Safiirka ayaa sheegay in magacayada uu soo bandhigay uu ka helay dhallinyarada kale Soomaaliyeed ee gaariga saarna ee shilka ka badbaaday.

Danjire C/qani ayaa magacayada wiilsha Soomaaliyeed ee shilkaasi gaari ku geeriyooday ku sheegay sidan soo socota:

1- Cali Cabdulle Xirsi

2- Xasan Cusmaan Jeylaani

3- Max’ed-deq Barkhad Cali

4- Cabdi Raxiim

5- Askar

6- Muuse

7- Sugaal

8- Saciid

9- Axmed

10- Axmed-khadar

Sidoo safiirka ayaa magacayada gabdhaha oo aan inta abdan buuxin ku sheegay sidan:

1- Sacdiyo Max’ud Xasan

2- Saamiyo

3- Yaasmiin

4- Saamiya

5- Xaawo

6- Aasiyo Cusmaan Max’ed.

Wuxuu ugu dambeyntii safiirku sheegay in dadkaas la aasay, islamarkaana sawirro laga qaaday ay soo geli doonaan baraha Internetka.

Safiirka ayaa waalidiinta Soomaliyeed uga tacsiyeeye geerida ku timid caruurtooda, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay iney ka joogsadaan safarka biimada ah ee ay kusoo aadayaan dalka Liibiya oo aan amaan aheyn oo kasii dambeyso bad halis badan.

Dhallinyarada Soomaalida ah ee shilkaan foosha xun ku dhacay ayaa la sheegay in koox mukhallsiin Liibiyaan ah ku qariyeen gaari weyn, islamarkaana iyaga laga sare mariyey shamiinto farabadan, taasoo kusoo duntay.

COMMENTS