October 28, 2016 | Posted by admin

Safaarada Mareykanka ee Nairobi ayaa maanta xiran kadib markii nin lagu dilay horteeda kaasi oo la sheegay in uu weerar ka geesan lahaa xarunta safaarada.

Waxaa xiran dhamaan qeybaha kala duwan ee safaarada oo ay kujirto qeybta qunsuliyada.

Eridka Hore ee safaarada ayaa waxaa lagu dilay ka dib markii uu tooray halkaasi la geli rabay.

Xalay ayaa lagu qoray barta internetka ee safaaradaa in shaqada safaarada hakad la galin doono ilaa 31 ka bishaan aan ku guda jirno.

Si kastaba ha ahaatee waxay safaaradu xaqiijisay toogashada ninkaa lagu dilay balse waxay sheegtay in shaqaalaheeda dhammaan ay bad qabaan.

Ninka ayaa sida la sheegay mindi madaxa uga dhuftay askariga iyo gacan kahor intii uusan isla askarigaasi toogasho ku dilin.

COMMENTS