September 13, 2017 | Posted by admin

Safaarada Wadanka Burndi ee Dalka Kenya ayaa Ka hadlay Rag la sheevay in ay ku soo biiraan Alshabaab.

War ka soobaxay Xafiiska Safaarada Burundi Dalka kenya ayaa laga Hadlay Markii ugu Horaysay , Dad haysa dhalashada Dalka Burundi oo Ciidamada amaanka Wadanka Kenya ay gacanta ku soo dhigeen.

Safaaradu Waxay sheegtay in aysan Hayn Cadeemaha iyo Jinsiyadaha 4 Muwaadin ee shalay laga qabtay wadanka Kenya ayaa lagu Yiri war kooban oo ka soobaxay Xarunta safaarada.

Sidoo kale Safiirka Burundi ee dalka Kenya ayaa sheegay idaacada BBC-da in aysan Hubin Raga shalay la qabtay in ay ahaayeen Burundi, Laakiin Waraysiga ayuu ku sheegay in ay dhici Karto Ragaasi in ay yihiin Burundi Maadaama ay lee yihiin Magacyada Wadanka Burudi.

Hadalka Safaarada Burundi ee kenya ayaa yimid ka dib Markii Ciidamada Amanka Kenya ay Shalay Shaaciyeen in ay gacanta ku soo dhigeen Ajnabi haysta Dhalashada Burundi oo soomaiya Safar usoo ahaa.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS