November 23, 2012 | Posted by admin

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxii maalintii Axadda ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in saddexda qof ee la tuhunsan yahay ay u dhasheen Kenya, kuwaasoo hadda ay boolisku su’aalo waydiinayaan si loo ogaado xog dheeraad ah oo ku saabsan falka lagu tuhmayo.

Ombati oo ku eedeeyay saddexda qof in loo soo diray inay wax qarxiyaan, isagoo sheegay in ay qabteen markii uu qaraxa dhacay kaddib.

Taliyaha ayaa xusay in xogaha sirdoon ee ay hayaan ay muujinayaan shakhsiyaad argagixiso ah oo burcad ah ay qorsheynayaan in ay dadka qalqal geliyaan oo ay kala qeybiyaan Kenyaanka. Wuxuu tilmaamay in saddexda qof ee la hayo ay rajeynayaan inay booliska ku hoggaamin doonaan dad kale oo la tuhunsan yahay.

Toban qof ayaa ku dhimatay, 30 qof ka bandanna way ku dhaawacmeen qaraxii Islii ka dhacay oo sababay weerarro lagu qaaday Soomaalida xaafaddaas deggan.

COMMENTS