September 24, 2013 | Posted by admin

Saddex ka tirsan dagaalyahannada hubeysan ee ku jira xarunta Westgate ee magaalada Nairobi ayaa la dilay, iyadoo ay dhaawacmeen 11 askari oo ka tirsan ciidamada militariga Kenya weerarradii ugu dambeeyey ee galabta oo Isniin ah ka dhacay xarunta.

Ciidamada Kenya ayaa bogga ay Twitter ku leeyihiin ku xaqiijiyey in askar looga dhawaacay howlgalka ay sameeyeen, kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaal ay ciidanku leeyihiin.

Saraakiisha  ayaa sheegay in 200 oo qof la soo badbaadiyey maanta oo keliya.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhashay kaddib markii rasaas xooggan ay ka dhacday dhismaha Westgate isku day ay ciidanku ku doonayaan in ay ismari waagga ku soo afjaraan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa iyaduna shaacisay in la qabtay 10 qof oo lala xiriirinayo weerarka, kuwaasoo hadda su’aallo la weydiinayo.

Militariga ayaa dhanka kale sheegay in ay ka hortagi doonaan fursad kasta oo kooxaha xarunta ku jira ay isugu dayaan in ay baxsadaan.

Gaadiidka dab damiska ayaa tagay goobta si ay u damiyaan dab xoog leh oo maanta ka kacay dhismaha, kaasoo ilaa hadda aysan cadeyn waxa sababay.

Dowladda Kenya ayaa sheegeyso in ay 62 qof ku dhinteen weerarka Westgate, inkastoo hay’adda Laanqeyrta Cas ay leedahay waxaa geeriyooday 69 ruux.

Gurmad ayaa ka socda meello badan oo kamid ah dalka oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay musiibadan, waxaa la ururiyey lacag badan, dadka qaar ayaa dhiig ugu deeqay dhaawacyada wax ku noqday weerarka.

COMMENTS