March 26, 2015 | Posted by admin

Sacuudiga, ayaan ku kelli noqon doonin weerarada cirka ah ee Khamiista maanta ah uu ka bilaabay dalka Yemen, si loogu wiiqo awoodda maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.

Telefishinka Qaranka Sacuudiga, ayaa laga baahiyay in Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dhistay ilaa 10 dal, oo ka qayb qaata weerarada xagga cirka ah ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta.

Dalalkaasi waxaa ku jira shan ka mid ah dalalka Khaliijka, oo ay kaabi doonaan dalalka Masar iyo Morocco. Saacadaha soo socdo waxaa suurta gal ah in isbaheysigaasi ku soo biiraan dowlado hor leh.

Masar waxay maanta afar ka mid ah maraakiibteeda dagaalka ay u dirtay xeebaha dalka Yemen. Maraakiibta shisheeye waxaa looga digay inay ka soo dhinac dhawaadaan Dekedaha Yemen ku yaala.

Dowladda Turkiga waxay si weyn u taageertay hawlgalada xagga cirka ah ee hormuudka uu ka yahay Sacuudiga, balse Turkiga ma kala cadayn in hawlgalku uu ku biiri doono iyo in kale.

Pakistan, ayaa iyadana ka fekereysa wixii ay ka yeeli laheyd hawlgalada xagga cirka ah ee Xuuthiyiinta lagula dagaalamayo, xilli Sacuudiga uu ugu yeeray in ay kula soo biirto.

Dowladaha Qatar, Emirate-ka, Bahrain, Jordan iyo Sacuudiga, ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee duqeymaha ka geysanaya dalka Yemen.

COMMENTS