July 24, 2014 | Posted by admin

Fanaanada Saado Cali Warsame oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Saado Cali ayaa salaaddii janaasada waxaa loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka qeybgalay madaxweynaha iyo xubnaha dowladda, kaddibna waxaa lagu aasay qabuuro ku dhexyaalla cisbitaalka Medina

Aaska Saado Cali waxaa ka qeybgalay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dabley ka tirsan ururka alShabab ayaa shalay toogasho ku dilay marxuumad Saado Cali oo ka tirsanayd baarlamaanka Soomaaliya.

COMMENTS