May 11, 2014 | Posted by admin

Waxaan xilli la soo dhaafay is ku fiirinay Qabqableyaal dagaal iyo Maxkamado diiniya, kala duwanaashahooda dhinac walba xagga wax wabadka, ee adeegga bulshada iyo horumarka degaanada ay kala joogen. Waxaan maqaal gaaban ka xusnay xilligii maxkamadaha iyo dabayshii loo bixiyey neecowdii lixda bilood, magaca maqaalkaas waxuu ahaay, DAKANIHII LA KALA GALAY DIINTAAN KU ILOOBI DOONAA. Waxaa xigay dawlado ku meel gaara oo lagu soo unkay keenya iyo jabuuti, waxaa loo bixiyey isku milankii dawaladdii markaas jirtay ee ra’isulwasaare NUUR CADDE, iyo kooxo isku bahaystay CASMARA oo ka koobnaay maxkamadihii qaybta horusocdka la baxday, koox baarlamaanka ka go,day, iyo xoogaay qurba jooga oo ahaay wehelkii maxkamadaha, una dhuun duleeyey iney mar uun ku biiraan Miiska masiirka ummada soomaaliyeed wax loogu naash naasho.

Dhaqanka soomalida oo ku salaysan xagga siyaasadda waxaa la raadiyaa qof cusub oo xilligaas doonta naakhuude ka noqda, xoogaa dadka qaarna ka gadmaaya aduunkuna waa u riyaaqaan, iyagoo aaminsan isbadalka siyaasadda in lagu gaari karo horumarka dalka ama waxa la dhaho QORA ISU DHIIBKA HOGAAMIYAYAASHA, si uun saystemka markaas jira loo sii waraabiyo, iayadoo loo cugsanaayo oraahda ah ROMA IS NOT BILDING ONE DAY.

Hogaankii lagu soo yagleelay magaalada jabuuti iyo labao baarlamaan oo isku cadad ah oo laysku biiriyey iyadoo laga fiirinaayo XALKA UUN OO AAN MARNABA XAQ LA FIIRIN, AYEY MADAXTOOYADA XAMAR SOO DAGEEN IYADOO LAGU SOO DHAWEEYEY HUUBIYAAl, madaafiic IYO JIIR NAC BADAN, inkastoo halyeygii sheekh shariif si xeeladaysan uu jilibka ugu dhigay, kuna dhiiraday inuu la soo baxo xeeladihii markii horaba lagu soo ormariyey ilayn, waranka caaradiisa ayaa laga sugayey inuu xisaabta ku darsadee.

Runtii waxay gabi dhaclaysaba, wixi ra,isulbaarlamaan cusub la tijaabiaba, ra,isulwasaare laysku badalaba waxay cagaha la soo gashay xilligii kala guurka ee ahaay in ku meelgaarnimada laga bixiyo xaaladda soomaaliya, lana soo af jaro muddadii dhowr iyo labatanka sano qaadatay oo mugdiga iyo cabsida iyo coladu na halakaysay, ummadiina noqotay mid qaxay, oo badda ku halagsamay, mid saxaraha aduunka caq ku dishay, iyo kuwo xeryaha qaxootiga ku kasbaday iney nolol ka raadiyaan oo ku caruur dhalaan, iyo in badan oo kuwa dhabarkooda ku jira laga danaynayey oo wadamo badan ku kala firirsan, taasoo laga dhaxli doono cawaaqib xumo soomaalida cusub soo wajahda.

Waxaa la soo gaaray xilligi lagu taamayey in uun mar laga baxo ku meel gaar, waxaa la diyaariyey odayaal dhaqameed ama duubakii soomaalida, waxay hawla qabadkoodii noqday iney ergooyin gaaraya ilaa 800 iyo dheeraad iney soo xulaan, oo dastuurka laga ansixiyo bacdamaa aan la heli karin awoodii doorasho ee hal qof iyo codkeeda, waxa ka soo baxay aqalkii duqowda iyo ergooyinkiiba tiro baarlamaaniya oo siyaabo kala duwan ku kala yimid laakiin isaga mida habka beelaha ee 5 ta beelood loo yaqaan.

xubnihii baarlamanku waxay dhaleen guddoon baarlamaan, waxaa ka soo if baxay doorasho madaxwayne oo lagu saleeyey isbadal doonkii caadada noo ahaay iyo hogaan cusub, inkastoo bulshadu qabtay in loo daayo ama dib loo doorto ragii ay qabyada u ahayd si ay 4 sano oo aan ku meel gaarka ahayn oo bilaabatay u dhamays tiraan wixii ama arrimihii u qabyada ahaay xilligii KMG, MA DHICIN TAASI EE waxaa soo if baxday koox is badal doon loo bixiyey uu madaxwayne ka noqday doorasho baarlamaan ka gadaal MUDANE MADAXWEYNE XASSAN SHEEKH MAXAMUUD CALASOW, Tilaabo qaadkii horeba ra’isulwasaare ayuu xushay lana ansixiyey isaga iyo golihiisii wasaaradaha iyo wax qabdkii boqolka maalmoodba.
Muddo sanada iyo shaqo culus ka bacdi waxaa soo if baxay carqalado badan, sida nuuca FEDERALKA, DAWLADA IS BAR BARYAACA OO QAAB GOBOLAYSI AH KU BILOWDAY, LAAKIIN QABIIL HUWAN, EEX LOO KALA EEXANAAYO BEELO WADA DEGA DEGAANO ISKU MIDA, BAARLAMAAN QAAB BEELEED U XUUBSIIBTAY OO XILKII QARAN KALA WAYNAADAY INUU DEGAAN AMA BEEL U SHAQEEYO, IYADOO LA ILOOBEY INQABIIL LAGU YIMID BAARLAMAANKA LAAKIN MEESHII LOOGA XUUBSIIBAN LAHAAY IN QARAN LOO GUDBO, ayaa nasiib darro la arkay dad geedkii ka jaraaya laantii ay ku fadhiyeen.

Waxaa intaas dheer wadamo daris nala ah oo aan ciidamo ka soo maashanay iney iyaguna nagu amar ku taagleeyaan iyagoo didan in aan awood siman yeelano oo qaranimadiinii gaarno, isla markaana xuduud beenaadyo ciidamosoo dhoobay, ka bacdina meelo badan iska soo galay iyagoo ku dabo gambanaaya dad wali maskaxdooda ay ka guuxayso qaabkii qabaliyadda oo qabqablenimo ka guuxayso iyo waa inaan helaa awoodda maamul goboleedka reer hebel ama degaan hebel, lana abuuro iskaashi gacan togaalaysiya oo lagu wiiqaayo iftiinka ka soo muuqda dawaladda dhexe ee iyada laftgeeda uu ka dhex muuqdo, qaab aan wali lagu heshiin oo ah ururro diimeed kala duwan, xisbiyo aan awood lahayn oo aan sharciyad ku dhisnayn, taasoo laga dhaxlay in ilaa hadda is badal laba dawladood la maraayo iyadoo ra’isulwasaare cusub la keenay, lana kordhiyey tiradii golaha wasaaradaha, inkastoo lagu xanto TORO BADAN OO AAN TAYO BARTEED LAHAYNBA.

Hadaba wadankii waa ka baxay ku meel gaarnimo. laakiin waxaa loo bilqay qodxo ah, hawlihii adeegga bulshada oo aan sharciyad loo samayn, amnigii oo sii xumaaday, dawlad diidkiina mataaneeyey, cadawgii al shabaabna geedkii laga bixiyo uu dhinaca kale ka hergalaayo hooskiisa asigoo qaab qabiil ku soo maro hugtay, hab federaal ah oo aad moodo in uun qalbi ka qooq loola jeedo oo aan asal ahaan loo fiirin maxay mudan tahay qaabka soomaaliya ay qaran buuxa ku noqon karto, aduunyadana waxaa taariikhdu qiraysaa in habkaas qaadashadiisu ay u baahan tahay muddo dheer oo aysan ahayn ku dhawaaq ee ku hawl fuli bilo ama sanado gaban, waxay u baahan tahay taxadar badan sharxiyadeeda oo laga baaraab dego, nuuca ku haboon jinsiyadaha soomaalida, gobolada iyo xuduudaha is raaci kara, dhaqaalaha iyo khayraadka sida loo maamuli doono, degaan walba boqleyda uu ka heli karo.

Culayska ugu wayn ee ah maamulada iyo dawlad goboleeyada aan loo meel dayin oo hal gobol ka dhex muuqdo dhawr dawlad goboleed, wasaaradihi oo intii shaqaynaysay raafka lahaysto si loo dhibaateeyo horumarka guud, si loo kobciyo arrimo la xiriira mmaamullo qabiil ka uraayo. oo xildhibaanadii qaarkood u maro guntinaayaan halaka ay wasiiraddi xisaabtan la daba joogaan iyo xag xagasho, madaxwaynihiina meel walba la taagan yahay waa suuxay, waa dhintay, waa loo yeeray oo warqadiisa ayaa gacanta bidix laga siiyey, hay,adihii noo soo gurmaday ama dawaloadihiiba farqaha lagu dhagan yahay si sandareerto looga helo, ku qabso ku qadi mayside.

Qaabkii bangiyada, dekedaha, garoomada oo aad moodo sidii ku meel gaarka iyo kasii xun in la kala boobaayo, ilhii dhaqaalaha goboladda kale oo kooxo isga tagri fashaan, Siyaasaddii adeega bulshada, garsoorkii, ciidamaii amniga oo aan daryeelkooda xil gaara layska saarayn, kuwii soo gurmaday oo AMISOM, oo sii bulaalaya, halkii ciidamo soomaaliyeed oo tayo leh tigaadna loo helo la yeglleeli lahaay, Waxaa dad badan ku taliyeen in ciidmada wadamada dariska ah dib loo celiyo, in dhaqaalaha ay naga helaan kenya iyo itopia oo uga soo xarooda qaadka joogtada ah oo anagu isticmaalno, iyaguna beertaan in laga joojiyo wadankeena bil kulliyan.

Waxay gaareen in khudaartii iyaga u baxaysay ay keenaan, dudaha somaaliya oo ciidamada AMISOM, qandaraas ahaan loogu keeno, iyadoo teenii Labada wabi beerahooda ka baxaysay la cuuryaamiyey, oo an laba fiirin maxaan dal kale uga baahan nahay, maxaan anagu haysannaa, ha noqoto ciidamo soomaaliyeed, ha noqoto wax soo saarkeena dabiicigaa, in lacagtii adkayd ay nooga aruursadaan qaad iyo hub aan dhib maahine dheef u ahay umadeena.

In hadda lagu wax yeelaynaayo dadkeenii qaxootiga ku ahaay keenya, iyadoo degaanadii xorta ahaayna loo soo magacaabaayo wakiilo, ciidamo danahooda fuliyana ay si khasaba ku joogaan degaanadii ugu wax soo saarka badnaay wadankeena soomaaliya, mustaqbilkana mugdi la galin doono xuduudyadii iyo khayraadkii rabbi ku manaystay goboladda koonfureeed oo dhan.

Marka waxaan soo jeedin lahyn aragtida ah in xukuumadda iyo baarlamaankuba ku shaqeeyaan wadaniyad hufan, ogaadaana in ay dawaladda hadda jirtaahi tahay wadiiqadii dawalad madax banaan oo ka caagan ku meel gaarnimo iyo talo shisheeye ama ergay u meeriya waxa laga rabo nidaamka jira, waxaad tihiin Golayaashii loo egmaday in ay wadankaan gaarsiiyaan doorasho madax banaan sanadka 2016, mudane madaxwayne adigana waxaa lagaa rabaa inaad kor ka ilaalisid shaqadaada oo aad falebo isku mudaa oo xoogaa aad hadalo kulul oo siyaasadda aan dhaawacayn, dadka soomaaliyeedna ay ku diirsadaan waa inaad ku dhawaaqdaa xilliayada ku haboon, nidaamka dawligaahi ma ahan uun ixtiraam always, mar mar waa in loo bareeraa in awooda is ticmaasho ha noqoto gudaha iyo canaasiirta dawlad diidkaa ama ha noqoto wadamada dariskaa oo gacan togaalaysiga iyo gardarrada nagu soo maagaaya mar walba, xataa hadey kugu qasabto waa inaad ciidamadooda dib isaga celisaa xiriirka dipolomaasiyadeedna aadba u jartaa, soomaaliya way noolanaysaa ee ha yeelin qaddiyad gacan ku rimisa oo dano gaara laga leeyahay, taariikhduna waa meerto mugdi badan ee ka fowjignow cadaawada laga maleegayo gudaha iyo dibaddaba.

Waxaan qalday iyo waxaan saxayba waa lay sixi karaa………waliba waxaan ku gafay cudurdaar guud iyo mid gaar hadeyba jiraan, waa dalbanaa.

waa socotaa
WABILLAAHI TOWFIIQ,
maxamed axmed calasow
[email protected]

COMMENTS