Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta isku raacay in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka loo Magacaabo Mudane Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir kadib Shir ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ay Maanta yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr.Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke iyadoo ay ka soo qeyb galeen Xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaana ugu horreyn warbixin looga dhageystay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim Yuusuf Dheeg oo ka warbixiyay Safarro iyo Shirar Caalami ah oo uu uga soo qeyb galay wadamo ka tirsan Kuwa caalamka, isagoo tilmaamay in Shirarkii uu ka qeyb galay lagu soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan sidii Tababarro loogu fidin lahaa Ciidamada Dowladda islamarkaasna gacan loo siin lahaa Hay’adaha kala duwan oo ay ka koobantahay Dowladda Soomaaliya.
Cabdi Xaaji Goobdoon La taliyaha R/wasaaraha ee Dhinaca warfaafinta oo kulankaasi kadib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada warbixinno looga dhageystay R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh. Aaden Maxamed Nuur Madoobe iyo R/wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane C/waaxid Cilmi Goonjeex, iyagoo faahfaafhin ka bixiyay Qorshaha lagu wajahayo maamullada ka dhisan Gobollada Dhexe iyo Gobollada Bay iyo Bakool si ay uga qeyb qaataan maamulladooda Horumarka dalka Soomaaliya, waxa uuna La taliyuhu carabka ku dhuftay in ay Golaha wasiiradu isku afgarteen in Wafuud ka kala socota Xubnaha Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka loo diro Gobolladaasi si ay u soo indha indheeyaan qaabka loo habeyn karo maamulladooda.
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sidoo kale si wadajir ah u ogolaaday in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka loo magacaabo Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay la taliyaha R/wasaaraha ee Xagga Warfaafinta Mudane C/Xaaji Goobdoon.
Kulankaan ay manta yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay muddooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada Dowladda KMG-ka Soomaaliya howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka guud ay ka wadeen qaar ka mid ah Gobollada Baay iyo Bakool iyo sidoo kale qeybo ah Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya si wax looga qabto Kooxaha dhibaatooyinka amni darrada ah ka abuuraya Gobollada dalka Soomaaliya.

All Posts










