January 22, 2013 | Posted by admin

R/wasaaraha wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa R/wasaaraha iyo Danjire Mahiiga waxa ay shirjaraa’id u qabteen Saxaafadda iyadoo R/wasaare Saacid uu sheegay in Danjire Mahiiga uu ugu hambalyeeyay aqoonsiga ay siisay dowlada Mareykanka iyo sida wanaagsan oo ay wax uga qabtaan xuquuqda aadanaha iyo kufsiga haweenka.

Danjire Mahiiga oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa ugu hambalyeeyay dowlada dadaalka balaaran oo ay ugu jirto xuquuqda aadanaha, isagoo soo dhaweyay aqoonsiga ay dowlada Mareykanku siisay dowlada Soomaaliya.

COMMENTS