April 14, 2014 | Posted by admin

Kooxo hubeysan oo loo badinayo iney ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa waxaa xalay weerar ku qaadeen guriga uu Kismaayo ka degan yahay Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo maalintii 3-aad halkaas booqanaya.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in xalay rasaas lagu furay guriga uu deganyahay Raysulwasaare C/weli, islamarkaana ilaalada gurigaas ku jawaabeen rasaas xoog leh, iskana caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, waxaana dadka halkaas ku dhaqaan sheegeen iney maqlayeen rasaas is weydaaranayeen labada dhinac. Ma jiro wax war ah oo maamulka Juba kasoo saaray wararka sheegaya in xalay weerar ka dhacay magaalada Kismaayo, xilli uu halkaas joogo Raysulwasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

COMMENTS