November 29, 2012 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo shalay kula kulmay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamadiisa aanu kala baxeyn Soomaaliya, ilaa Ciidamada AMISOM ay si buuxda ula wareegayaan ammaanka.

Hailemariam ayaa si adag u difaacay doorka ciidamadiisa ka qaadanayaan xasiloonida Soomaaliya, isagoo sheegay inay la dagalaamayaan kooxo argagixiso, isla markaana dowladda Soomaaliya ku taageerayaan inay dalka gacanta ku dhigto.

“Waxay ciidamadeenu Soomaaliya sii joogi doonaan oo ay sugayaan amaanka ilaa ay ciidamada AMISOM si buuxda ugala wareegayso deegaanada dalka, waana sugaynaa amaanka” ayuu yiri Hailemariam oo uu dhinac taagnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya, kadib markii horaantii sanadkan ay kala wareegeen deegaanadii ay maamulayeen Shabaab, waxaana dhowaan ay ku wareejiyeen saldhigyo ku yaala Beledweyn Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

COMMENTS