July 11, 2014 | Posted by admin

Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa dowladda Soomaaliya u magacaawday inuu noqdo danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, sida laga soo xogtay ilo muhiim ah.

Sharmaarke ayaa lagu wadaa inuu maanta caasimadda Mareykanka ee Washington kula kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u dirtay inuu tago aqalka cad ee dalka Mareykanka, iyadoo laga yaabo inuu la kulmo madaxweynaha dalkaa Barack Obama.

Magacaabista safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doona Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan Mareykanku shaaca ka qaaday inuu danjire rasmi ah usoo magacaabanayo arrimaha dalka Soomaaliya, kaasoo ka howlgeli doona Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay danjire rasmi ah u magacowdo dalka Mareyanka muddo laga joogo 25-sano, waxayna kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan dowladda Mareykanka ay dhankeeda sheegtay inay danjire rasmi ah u soo magacaabi doonto Soomaaliya.

Magacaabista Sharmaarke waxey kusoo beegmaysaa xilli la filayo in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu bisha August kaga qaybgalo dalka Mareykanka shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhici doona magaalada Washington.

Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo noqday ra’iisul wasaarihii ugu horeyey ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, taasoo uu madaxweyne u ahaa Shariif Sheekh Axmed, balse xilkaas ayaa laga qaaday kadib markii ay is khilaafeen isaga iyi Sheekh Shariif.

COMMENTS