January 30, 2013 | Posted by admin

R/wasaaraha Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo maanta Muqdisho socdaal ku yimid.

Kulankaan oo ahaa mid ay albaabada u laabanyihiin ayaa waxaa xafiiska R/wasaaraha dalka ku yeeshay R/wasaare Saacid oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada iyo wefdi ka socda Q.M uu hogaaminayay kaaliyaha xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jefery feltman.

Wefdiga ka socday Qaramada Midoobay waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee xigahay guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ambassadoor Mahiga iyo saraakiil kale.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax shirdoon iyo madaxa wafdiga Q.M hogaaminayay Mr Feltman .

R/wasaarah ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka siyaasadeed oo ay damacsantahay xukuumadda Soomaaliya iyo kaalinta ay Q.M ka qaadan karto caawinta Soomaaliya.

Sidoo kale Kaaliyaha xoghayah guud ee Q.M u aqaabilsan siyaasadda Mr Feltman ayaa xusay in kulankan uu daba joogo kulankii uu dhawaan Addis ababa kula yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh xog’hayaha Q.M Banki muun.

Kulankan lagu qabtay xafiiska R/wasaaraha waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirrada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo garsoorka Maadaama qodobbada looga hadlay kulanka ay qeyb ka ahaayeen horumarinta arrimaha amniga iyo cadaallada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dedaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay Isbedelka Siyaasadeed ee ay wado uga dhaadhiciso Hay’adaha caalamiga ah si ay u kordhiyaan taageerada ay siiyaan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowladda Soomaaliya.

COMMENTS