January 1, 2013 | Posted by admin

Muqdisho: R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay wafdi u dirir doonaan gobollada Dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan goobaha Ahllusuuna Waljamaaca ka taliyaan.

R/wasaare Saacid ayaa sidoo kale xusay in markaas kadib wafdi kale ay u dirayaan deegaanada maamulka Puntland, sidoo kalana ay niyadda ku hayaan iney taagaan ilaa Zeylac oo ku dhow xadka Jabuuti iyo Soomaaliya.

“Waxaanu qorsheyneynaa oo meel dhexe inoo maraya wafdigii gobollada dhexe tegi lahaa, waad la socotaan sidii Ahllusnna usoo dhaweysay xukuumada, kalosiinidana u siisay, annaguna sidoo kale ayaan u amaaneynaa” ayuu yiri R/wasaare Saacid.

“Gobollada dhexe kadib waxaan degdeg u tegi doonaa oo ngala sugayaa Punland, sidaas ayay u socon doontaa, qalbiga ayaan Soomaaliya ku heynaa ilaa Zeylac, sidaas baanu u qorsheynay gaarista aan dadka gaareynno” ayuu sidoo kale yiri R/wasaaraha Soomaaliya Cbadi Faax Shirdoon Saacid.

R/wasaare Saacid oo la hadlay TV-ga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka cusub ku bilowaday guulo ay ku fadhido dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay gacanta ku hayaan gobolka Banaadir ilaa Jowhar iyo Marko.

Wuxuu ugu sidoo kale sheegay R/wasaaruhu iney xukuumadiisa ka go’antahay iney dadka Soomaaliyeed dowladnimada dareensiiyaan, waxaana hadalka R/wasaare Saacid kusoo beegmay xilli dhawaan Ahllsuna dowladda ka codsatay iney wafdi u diraan Galgaduud.

COMMENTS