March 18, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho,-Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka, dhismaha Baarlaanka iyo ansixinta Dastuurka dalka iyo weliba Koontada haweenka ee 30% (Boqolkiiba soddon).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankan waxa ay si toos ah oo furan su’aalo u weydiiyeen haweenkii shirka ka soo qeybgalay waxayna haweenku uga mahadceliyeen wada sheekeysiga iyo talo is weydaarsiga waxayna soo jeediyeen in la badiyo kulamada ceykan oo kale ah si looga faa’iideysto maskaxda haweenka iyo dhamaan qeybaha bulshada rayidka ah.

Sidoo kale intii ay socotay munaasabadan Ra’iisul Wasaaraha iyo haweenka ayaa diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee looga gudbi karo marxaladdan kumeel gaarka ah ee mudada lagu soo jiray, waxayna haweenku cabir wanaagsan ka dhiibteen qaabka looga gudbi karo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u balan qaaday haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balan qaaday ee ah 30%(Boqolkiiba soddon), “Waxaan galabta hortiina ka cadeynayaa in xukuumadeydu aysan marnaba dib u dhigi doonin kaalinta aad ku leedihiin hay’addaha siyaasada iyo kuwa maamulka ee dowladda, gaar ahaana Koontada aad xaqa u leedihiin ee Baarlamaanka” ayuu yiri R/wasaaruhu.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyay haweenka horumarka laga gaaray dhaqangelinta Roudmapka, dhismaha Guddiyada iyo Sugidda Amniga wuxuuna carabka ku dhuftay si gaar ah gaarista dowlada ee gobolada iyo maamulada dalka, wuxuuna guul la taaban karo ku tilmaamay shirarkii Garowe1 iyo Garowe2 oo ay ka soo baxday natiijo wanaagsan.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli waxa uu u balan qaaday haweenka in xafiiskiisu uu u furan yahay xilli kasta uuna sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah kuwaasoo talada lagu weydiinayo qeybaha shacabka Soomaaliyeed sida bulshada Rayidka, haweenka, odayaasha dhaqanka, Culimada iyo Aqoonyahanka dalka kuwa gudaha iyo dibadda.

COMMENTS