October 16, 2010 | Posted by admin

R/Wasaraha Somali a Mohamed A. Mohamed "Farnaajo"

by Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo
Ra’iisul Wasaarha Cusub ee Dowladda Federaalka
Friday, October 15, 2010

Magacayga waxaa la yiraahdaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed Faramaajo. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962. Waxaan dugsi dhexe uga baxay Foorta-Sheekh ama 1da Luuliyo. Dugsigayga dhexe waxaa ku dhameeyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, kan sarena waxaan uga baxay dugsiga Farsamada Gacanta ee Lafoole.

Waxaan shaqa ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, waxaan ka howl galay Arkiiviyo (central archive), muddo yar ka dibna waxaan ku wareegay xafiiska maamulka lacagta , halkaas oo aan ka ahaa xisaabiye (auditor).

Horaantii sanadkii 1985, waxaa la ii bedelay safaarada Soomaliya  ee magaalada Washington, D.C, ee dalka Maraykanka. Halkaas waxaaan mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadku markuu ahaa 1988, waxaa la’igu amray inaan iska xaadiriyo xarunta wasaarada ee Xamar, waxaanse go’aan ku gaaray in waxbarashadayda dhamaysto, dalka Maraykanka waydiisto magangalyo siyaasadeed, arrimo siyaasad darteed.

Tacliin sare ama heerka jaamacadda waxaan ka dhamaystay jaamacadda ku taala magaaaladaa Buffalo ee gobolka New York (State University of New York at Buffalo). Isla jaamacaddan ayaan ka qaatay shahaadada takhasusuka ah oo loo yaqaano Master’s Degree Takhasuskaygu waxaa ka mid ah: Cilmiga Siyaasada , Xiriirka Aduunka, Xuquuqda aadamiga , Cilmiga baadi Gobooka Nabada, Horumarinta dadwaynaha iyo shacabka , iyo Xirfadda Hogaamiyaha laga rabo (leadership).

Waxaan kaloo jagooyin sare kasoo qabtay Dowladda hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie Country oo iyaduna ka tirsan gobolkan. Jagooyikaasi waxaan ku xusayaa halkan: Sanadka markuu ahaa 1994 waxaa la ii doortay Buffalo housing Commissioner, ama kumasaariyaha waaxda guyaha ee magaalada Buffalo. Waxaan halkaas ka noqday Guddonka arrimaha shaqaalaha , oo shaqadeedu ahayd horumarinta iyo daryeelka shaqaalaha. Hay’adda waxaa ka shaqeynayay dad ka badan 500 oo qof. Shaqaalahaas oo isugu jira inta u dhaxaysa Karaani ilaa Agaasime. Isla muddadaas waxaa Mayor-ka  ama Duqa magaaladaa igu magacaabay  Project manager, waaxda dib usoo nooleynta magaalada (Buffalo renewal Agency).

Sandka 2000-2002, waxaa guddoomiyaha Degmada Erie (Erie Country Executive) uu igu magacaabay isku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirda badanyahay (minority) eek u nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator) ee Gobolka New York. Halakaas waxaa ka caawiyay ganacsato aad u fara badan, una fududeeyey sidii ay uga heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas.

Waxaan maamulayay dhaqaalo ka badan 100 $ million oo loogu tala galay in lagau hormariyo dadka laga tira badanyahay.

Sanadka 2002-ila iyo hadda, Waxaa Guddoomiyihii hore ee gobolka New York ee la oran jiray George Pataki iigu magacaabay in aan maamule u noqdo Xafiiska Xuquuqda insaanka ee wasaaradda Gaadiidka ee gobolka New York (Regional civil rghtss manager of NY Satete Department of Transportation), howshayduna waxay tahay in aan ilaaliyo xad gudubka lagu sameeyn karo dadka laga tirade badanyahay Loona yaqaano (Minority) .

Waxaa gobolka New York loo qoondeeyey sanad walba 400$ million oo ah hormarinata degmada ah. Hadaba waxaan mas’uul ka ahay oo aan maamulaa dhaqaale dhan 80$ million oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadkaas laga badanyahay (Affirmative Action).

Waxaa intaas ii dheer in aan bari ka ahay jaamacdda la yiraahdo State University of New York at Erie Community College. Waxan ka dhigaa cilmiyo kala duwan oo ku taxaluqa Horumarinta bini-aadamka. Cilmiga aan halkaas ka dhigo waxaa ka mid ah: Leader ship Skills, Project Management, Art of thinking, and negotiation and Conflict of Resolution.

Waxaan kale oo aanxubin muuqata uga jiraa dhanka siyaasdda dalkan oo aan si toos ah iyo si dadban u wada shaqaynaa U.S Senators, U.S Representatives oo laga soo doorto gobolka New York , iyo siyaasiyiin kala duwan oo ku xiran gobolkan oo aan oran karo waa wax ku ool ah marka loo baahdo.

Xaalada Soomaliya waa xaalad aad u adag una baahan khibrado kala duwan xirfado ku taxaluqa gudaha iyo debadda.

Haddaba waxaa loo baahanyahay in PM-ka aan lagu soo xulan qabiil kaliya ee loo fiiriyo aqoon, xirfad ayo shaqa wanaag si xaaladda hadda jirta wax looga baddalo.

COMMENTS