November 26, 2014 | Posted by admin

jesowo-620x330
Muqdisho – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in RW C/wali Sheekh ay u cadaaday in uu lumiyay Kasoonida Baarlamaanka, Madaxweynaha & Golahiisa Wasiiradda.
Xildhibaan Daahie Amiin Jeesow, oo kamid ah Xildhibaano gaaraya 138 Xildhibaan oo Mooshin kasoo gudbiyay Xukuumadda ayaa Warbaahinta u sheegay in RW C/wali uu waayay Kalsoonida Baarlamaankii shalay ansixiyay, sidaasi darteedna ay la gudboontahay inuu is-casilo.

“RW C/wali wuxuu ku guuldaraystay inuu Qarankan hogaamiyo oo gaarsiiyo Doorasho 2016, wuxuu ku mashquulay Qabiil & Maamul Goboleed inuu u shaqeeyo, wuxuun sidoo kale la shaqeyn waayay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh & Golahiisa Wasiiradda, marka waxaan go’aansanay inaan xilka ka qaadno,” ayuu yiri Jeesow.

Wuxuu dhanka kale sheegay in RW C/wali uusan awood u lahayn inuu Mooshinka laga keenay Xukuumadiisa ku tilmaamo mid Sharci darro ah oo laga soo abaabulayo Xafiiska Madaxweynaha DFS.

Daahir Amiin Jeesow wuxuu hoosta ka xariiqay in 30-ka Bishan ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka doodi doonaan Warqadihii Mooshinka ee loo qeybiyay Kulankii Isniintii dhacay, isagoo rajo ka muujiyay in Mooshinka ay meel marin doonaan.

COMMENTS