DUHUR-Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shalay sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ergada ansixin doonta dastuurka qaybo qoraalka ay kulankooda koowaad yeelan doonaan 19-ka illaa 20-ka bishan si loo ansixiyo dastuurka oo qeyb ka ah qorshaha Road-map-ka.
Dr. Cabdiweli Gaas oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ergada ansixin doonta dastuurka ay 80% diyaar yihiin inta dhimmanna si dhaqse ah loo soo dhammeys tiri doono, xukuumadduna ay diyaarisay goobtii dastuurka lagu ansixin lahaa.
Raysul wasaaraha ayaa sheegay in guddiga farsamada u xaqiijiyay in wax kasta ay diyaar yihiin, uuna billaabay diiwaan gelinta iyo baaritaanno ku aaddan xaqiijinta shakhsiyaadka loo soo gudbiyay, isagoo sheegay in xukuumadda ay waddo deddaal dheeraad ah oo howlaha lagu dhaqan gelinayo, kuna booriyay odayaasha dhaqanka in ay dedejiyaan howlaha horyaalla.
Wuxuu intaas raaciyay in guddiga xallinta khilaafaadka ee dhowaan la soo magacaabay uu dhankiisa ka wado xal u helidda arrimo kooban oo lagu murunsanyahay taas oo inta badan la dhammeeyay, guddiguna uu u madaxbannaanyahay dhammeynta khilaafaadka jira.
Bisha August ayay ku egtahay xilliga dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, waxaana intaas ka hor la doonayaa in la soo dhammeystiro tirada odayaasha dhaqanka oo xulidoona ergada ansixin doonta dastuurka iyo xubnaha gole baarlamaan oo cusub oo ay yeelan doonta dowladda rasmi ah oo cusub.
Halka hoose ka dhageyso wareysiga Dr. Cabdiweli Gaas.

All Posts
BBC 0400 GMT









