June 9, 2012 | Posted by admin

Turkiga muddooyin kaan dambe waxa uu si hagar la’aan ah ugu halgamayaa sidii waddo toosan ugu hagi lahaa wadaanka soomaaliya oo waqti aad u fog ka bixi waayay habaab iyo walaahow dhinac waliba ka asiibay.

Ilaa muddo kor u dhaaftay 21 sano ayaa waddanka waxa uu ku jiraa is qab-qabsi siyaasadeed iyo ayadoo heshiiskii la gaaro mar waliba laga hor keeno oraahdii mucjisada noqotay oo ahay looma dhammo, taas waxay sababtay in masiirkii dadka uu maro waddo meel looga baxo lahayn, waxaa adkaatay sidii loo maareen laha dhibaatada gaamuurtay, Soomaaliya  abaarta,macluusha, diifta,qaxa, qaxarka iyo wax ka sii xun uguma imaanin oo kaliya dhinac rabbaani balse inta badan waxaa sabab u ah soomaalida madax adeegeeda iyo ayagoo gacmahooda ku kasbaday keddib markii looga quustay in si gaar ah ay ugu hoggaan samaan sharciga iyo kala dambeynta.

Umad markii ay is maqli weydo o talada iyo sahanka ka haabaabo waxaa ugu dambeyntii ciribteeda noqotaa in awood lagu maquuniyo keddibna ay faraha ka baxdo madax banananidii loo soo halgamay,dhigga badan loo daadiyay,sida xaqiiqda ahna waa tan manta waddanka ka taagan oo xukunkii faraha loo geliyay UN ka iyo quwado shisheeye oo dana gaar ah ka leh geyiga.

sida runta ah soomaaliya wey is bixin kartaa,oo waxaa Allaah ku maneystay tasihilaad nooc waliba leh sida beer,xoolo,bad iyo macdan u saamaxaayo in ay noqoto quwada ugu xoog badan geeska afrika,waa dal siman oo buuro iyo vulkaan lahayn,xeeb badeed oo aad dheer kuu teed san,hal luqo ku wada hadlo isku diin sunni ah balse wacyi ga haatan ka jiro intaas waa ka duwan yahay oo waxaa ka taagan, jahawareer,quus iyo halkee loo ciirsada, waa dad ay aad ugu fududahay dilka, dhaca iyo wax waliba oo xaaraan ah,is tixgelinta iyo xishoodka wu ku yar yahay waxaa u diiday na waa isla qab weynin been ku tiirsan oo laga dhaxlay DNA ga reer miyi nimada.

1990 kii keddib waddanka kama jirin dowlad awood leh,xukunka na waxa uu u gudbay fowdo iyo jaantaa rogan oo u fududeeyay doomo iyo dad kalluumeysato ah oo si xad dhaaf ah sharciga na ka baxsan uga dal-dala nayo kalluun ayagoo u aabe yeelin oo na isticmaalaayo hab xaaraan ah mamnuuc na ka ah qanuunka dowliga.

AVV Xuseen Afrax Diiriye

Intaas waxaa dheer dhulka soomaaliya waxa uu kuleela badda hindiya oo ah marin ku weyn ganacsiga adduunka, taas oo sabab u noqotay in quwadaha waaweyn sibo nato maraakiibtooda dagaal u soo raraan xeebta soomaaliya mar-marsiyo na uga dhigtaan la dagaallanka burcad badeed wiilasha yar-yar oo AK-47 ka la cararaayo.

Dowlad bukto belo u talisay, cudur ayaa soomaalida ku raagay,waxay noqdeen hilib jiir ah oo geed dul saran, wixii haad ahaa ama habar dugaag waxay u soo tafa xeeteen in marna looga hor marin dheefta,dollarka, dahabka,malabka iyo mac-macaanka ka dul babanaayo  hilibka geedka korkiisa waran.

Ayadoo arrinta madax bannanidda Soomaaliya ay ku sugan tahay hoog iyo halaag ayaa dowladda Turkiya ay hor socdaan wasiirka koowaad Mr.Recep Tayyip Erdogan iyo afadiisa Mrs Emine Erdogan oo u adkeysan waayay in ay ku fiirsadaan dhibaato fool xun umad walaalohood ah sidooda oo kale na muslim ah ayaa waxaay ayagoo wato labo dayuuradood ay saran yhiin wasiirro,farsamo yaqaanno,taqaatir iyo hayado gargaar,ayeey ka soo deggen geggada dayuuradah Aadan Cadde,Isla markiiba turkiga waxuu billaabay gargaar heer sare ah iyo gaacan kuu quudin dadka tabaaleysan oo hore loo arag,intaas kuma eken waxaa durbadii ku dhaqaaqeen dhismo iyo dayac tir guryihii iyo xaafiisyadii dowladda,si gaar ahna waxay ballan qaaday in magaalooyinka loo samen doono biyo gelin iyo koronto joogta ah.

wax qabadka turkiya uu soomaalida ugu talo galay ma aha wax beryo ama bilooyin ku eg ee ula jeedada ka dambeyso waxay tahay in Turkiga ka go’antahay in shaqaalihiisa ayan waddanka ka guurin inta dib u haajin iyo wax qabad loo baahan yahay,ayadoo ilaa haatan gargaarka ay bixiyeen uu kor u dhaafay 400.000.000 (affar boqol malyan)iyo ayadoo wax barasho dibadeed u qaaday arday 500 kor u dhaaftay.

Waa in si gaar ah loo caddeyaa in wax qabadka tuirkiga uusan ku xirneyn sida(dowladaha kale)ka faaideysi uu waddanka ka leeyahay, ama hantida uu manta gelinaayo ayan soomaalida deyn ku ahayn,waa tabaruc ujeedada ka dambeyso yahay gurmad loo fiday dad walaalo ah.

Turkiga ugama baahno soomaalida dhinac dhaqaale, waxaa abaal marin ugu filan in shacbiga ay ka muuqato darajo,soo dhaweyn iyo jaceel ay u hayaan dowladda iyo umadda Turkiya,keddibna loo istaago ka war qabka iyo ilaalinta hantida iyo dhismaha ay noogu deeqeen.

Avv.Xuseein Diiriye Afrax

Edmonton London

COMMENTS