February 12, 2018 | Posted by admin

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Dowladda laga rabo in ay dhinto Canshuurta lagu soo rogay Shixnadaha Dekadda Muqdisho kasoo dagaya.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Dhoore ayaa  sheegay  in Culeyska Ganacsatada Gobolkan lagu hayo ay sababtay doonista Dowladda ee ah in ay danaynayso in lacag laga abuuro Ganacsatada Muqdisho Canshuurta laga qaado.

Waxuu sheegay agaasimuhu in dhibaato ay Ku Tahay bulshada Xaritaanka Dekeda Muqdisho oo Aan Xiligaan Shaqayn.

Hadalka Agaasime Dhoore ayaa imaanaya Xili Muddo Todobaad ah aysan Shaqayn Dekeda Weyne ee Xamar oo Ganacsatadu ay Joojiyeen Ganacsiga Dekeda in uu Banaanka u baxo, Ka dib Canshuur kordhin Lagu sameeyay Xishnadaha Kala duwan.

COMMENTS