June 18, 2017 | Posted by admin

Roob dabeyl watay ayaa ka da’ay degmada Togwajaale ee dhacda Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya halkaas oo uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Inta la xaqiijiyay Hal Qof ayaa dhintay iyada oo tiro kalena ay dhaawacyo soo gaareen kaddib markii Dabeysha Roobka ay Jiingadaha ka qaadday Guryaha taas oo sababtay in Dad Waddada maraya ay dhaawac iyo dhimasho u geysato Jiingadda ay dabeysha qaadday.

Guryo badan ayaa qaarkood Daadka buuxiyay halka kuwana uu saqafkiiba ka haaday,waxaana ka dhashay khasaaraha nafeed iyo hantiyadeed.

Waddooyinka gala Degmada iyo kuwo aada degaannada ku xeeran ayaa xirmay,waxaana fariistay biyo badan,taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo Gaadiidka waxaana hadda hakad ku jira dhaq dhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka ee Degmada Tog-Wajaale.


COMMENTS