February 17, 2017 | Posted by admin

Roobab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen aya waxa saacadihii la soo dhaafay uu ka da,ay magaalda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyo sidoo kale Degano dhawr ah oo hoosta Gobalka Mudug Gaar ahaan Deganada Dowlad Gobaleedka Galmudug,

Deganada Kale ee Gaalkacyo Hoostaga ee Roobabku ay ka Da,een ayaa waxa ka Mida Budbud iidaan iyo Sidoo kale Degano kale oo dhaca xeebaha Bari ee Gobalka Mudug Waxana Roobabkaasi ku diirsaday Dadka degankaasi iyo xoolaha oo u dhimanayay harad iyo oon kadib markii abaaro xoogan ay deganadaasi ay sameyeen,

Roobab aan sida u badneyd aya ka Da,ay Gaalkacyo balse waxa jira degano badan oo bariga gobalka mudug ah oo ay ka muuqdaan daruuro rooobeed xili wali degano badan ay abaartu si wayn ay ugu dhufatay,

raxmada ebe aya ku soo adaysa xili somaliya intooda badan ay si wayn abartu u sameysay waxana deganada somalida qaarkood ka dhacay dhacdooyin aan horay looga arag deganadaasi oo ay ka mid tahay in dadkii reer miyiga ahaa markii xoolaha ay ka la ,aadeen ay qaaarkood is daldaleen,
Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS