March 24, 2017 | Posted by admin

Galabta waxaa Roobab lagu diirsaday ay ka da.een Gobalka shabeelaha dhaxe gaar ahaan degmada Mahaday.

Roobabkaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa dadku ay ku farxeen ka dib abaaro iyo cuduro ka dilaacay Gobalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay ku farxeen Roobabka ka dib markii uu Halkaasi qaboow ka dhigay.

Maamulka degmada Mahaday ayaa inoo sheegay in Raxmada alle ay Gobalkaasi ka Bilaabatay.

Roobabkaan ayaa ku soo aadaya xili abaara xoogan ay ka jiraan dhamaan Gobalada Dalka soomaaliya.
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS