April 16, 2014 | Posted by admin

Mogadisho-Gudoomiyaha cusub ee maamulka degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed Cabduqaadir ayaa maanta waxa uu si rasmi ah ula wareegay maamulka degmadaasi.

Ex gudoomiye C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo ka soo jeeda Beesha Habargdir-salemaan oo 20-kii Sano la soo dhaafay ka talinaayey arimaha maamulka reer Banaadirga ee Ku yaala Xamar Weyne iyo Xamar Jajab ayaa waxaa horey loogu magacaabay Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne taasoo bulshada reer xamar-weyne ay u arkayen wax aan cadaalad ku dhisneyn

Talaabadan uu qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab ayaa waxaa aad usoo dhaweeyay Beelaha Banaadiriga oo horey xaqooda ugu waayay Maamuladii soo maray gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa waxa uu sheegay inuu maamulkiisa ahmiyada koowaad siin doono sugida Amniga guud degmada Xamar Weyne

COMMENTS