April 18, 2017 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar
ka mid ah xarumaha Wasaaradaha, isaga
oo kormeeray Hannaanka shaqo ee
hay’addahaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u
galay xafiisyada Wasaaradaha
Warfaafinta, Wasaaradda
Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta
iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka,
waxa uuna mid mid u wareystay
agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka
wareystay horumarka iyo caqbadaha
howlaha shaqada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday
Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga
oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka
Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim
Cumar iyo agaasimaha Guud ee
Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen
howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu
soo booqday waxay tahay inaan hubiyo
Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan,
waxaana si joogto ah booqasho ugu
imaan doonaa dhamaan xarumaha
Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee
fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare
Kheyre.
Intii uu ku guda jiray kormeerkan
howleed, Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa
tagay xafiisyada Wasaaradda
Warfaafinta iyo Hannuuninta
Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu
galay Wasiirka Warfaafinta Ing.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan
(Yariisow), oo xilligaasi ku jiray
howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u
kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada
Wasaaradda.
Maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS