April 14, 2014 | Posted by admin

Raysu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaannada Jubbooyinka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, waxayna madaxda dhaqanku ka codsadeen raysul wasaaraha in dowladda dhexe ee dalku ka qeybqaadato sidii loo howlgalinlahaa adeegyada kala duwan ee bulshada.
Raysul wasaaraha ayaa ballanqaaday in xukuumaddiisu ay kaalinteeda ka qaadanayso maamul-wanaagga, horumarka iyo nabadgelyada gobollada Jubbooyinka.
Cabdiweli Sheekh ayaa ka codsaday duubabka dhaqanka ee deegaannada Jubbooyinka inay ku dadaalaan sidii dadweynaha ay matalaan, uga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ka soo gaaray dagaalladii muddada dheer ka soconayey dalka.
Raysul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu isla maanta la kulmo qeybaha kale ee bulshada rayidka ah.

COMMENTS