November 14, 2012 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaanba uu joojin doono dhalinyarada u tahriiba dalalka caalamka ee ka tagaysa dalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaali doonto hakinta qulqulka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka cararaysa dalkooda hooyo una cararaya dalalka shisheeye.

Wuxuu sheegay in qeybaha kala duwan ee waxbarashada dalka Soomaaliya ay ku balaarin doonaan miyi iyo Magaalo si bulshada Soomaaliyeed ay uhelaan waxbarasho ku filan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa balan qaaday in Xukuumadiisa ay ku dadaali doonto inaysan dayicin dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Waxuu kaloo uu R/wasaare Saacid ku nuuxnuuxsaday inuu gabi ahaanba la dagaalami doono masuq-maasuqa iyo cadaalad-darada dibna u soo celindoono maxkamadaha garsoorka iyo inuu xabsiyo dhisidoono.

Hadalkaan ayaa wuxuu ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Xilli shalay uu jeedinaye qudbad ku aadan waxqabadka Xukuumadiisa cusub ee shalay la ansixiyay.

COMMENTS