February 11, 2018 | Posted by admin

Gudomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow Ayaa Caawa Casho Sharaf u sameeyay Qaar Ka Mid ah Xubanaha Maamul Gobaleedyada Dalka.

Munaasabada Casho Sharafta ah ahaa Loo sameeyay Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa waxaa Goob Joog ah Ra”isul Wasaare Kheyre iyo Ku xigeenkiisa.

Xubnaha Maamul Gobaleedyada ee Xaflada loo sameeyay ayaa Kala ah, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Puntland, C/Weli Gaas, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,

Munaasabada Waxaa Caawa Ka maqan Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland, Shariif Xasan Madaxweynaha Konfur galbeed.

COMMENTS