May 28, 2017 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigay wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho, kaasoo dib u dhis lagu sameynayo.

Wadada Sodonka ayaa halbowle u ah isu socodka degmooyinka dhowr ah, iyadoo mudd labaatan sano ay bur bursaneyd.

Ra’iisul Wasaare oo uu wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi, iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay wadadan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu muddo kooban ay ku soo afjarayaan dib u dhiska wadadan oo noqoneysa oo horay dowladdu sheegtay inay gacanta ku heyso mashruuciisa dhismaha.

dhagax-dhig3 dhagax-dhig2dhagax-dhig

COMMENTS