May 7, 2016 | Posted by daacad yare

raila_odinga

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya  Raila Odinga waxaa uu sheegay in hadii uu kuguuleesto xilka madaxtinimo ee dalka Kenya doorashada sanadkan kadhaceyso halkaa in uu gabi ahaanba dalka soomaaliya uu kazoo saaridoono ciidamada dowladda kaga sugan ee qeebta ka ah howlgalka midowga Africa ee amisom.

Raila Odinga waxaa uu tilmaamay in ciidamada Kenya kaga sugan soomaaliya ay lakulmen dhibaatooyin fara badan islamarkaana uu qorsheynayo in uu dalkooda dib ugu celiyo hadii uu hanto xilkaasi.

Waxaa uu ereyadan sheegay xilli uu kaqeybqaadanaye barnaamij ka baxaye Tv-ga Aljaziira.

Waxaana uu tibaaxay in uu kaqeybgali doonin doorashada ka dhaceyso dalkaasi hadii aan waxlaga bedelin gudiga doorasho ee dalka Kenya iyo hanaankooda shaqo oo uu aad udhaliilay.

Alshabaab ayaa dhowr jeer ooh ore weeraro kagestay Kenya taasi oo ay kusheegeen in ay jawaab cad utahay soogalitaanka ciidanka Kenya ee kayiga soomaaliya.

COMMENTS