April 20, 2012 | Posted by admin


DUHUR-Ra’iisul wasaaraha DKG Soomaaliya, Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay muujiyay sida uusan ula dhacsaneen hogaanka iyo habka uu madaxweyne Sheekh Shariif wax ku maamulayo, kaddib hadal si sir ah looga qabtay oo laga sii daayay idaacaddaha Muqidsho mid ka mid ah .

Mudane C/weli Gaas ayaa ku sheegay hadalkiisa inaysan kooxdii heshiiska la gashay dowladdii C/llaahi Yuusuf ee xilka looga tagay (Maxkamadihii Islaamka) aysan muujin hoggaan wanaag wax looga qaban karo dalka.

“Kooxdii la dagaalamaysay dowladdii TFG ee Col. C/llaahi Yuusuf uu hoggaaminayay in dhibka uu meesha ka baxayo haddii ay Itoobiyaan baxaan iyaguna ay meesha tagaan taasi  ma dhicin,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Laba arrimood ayaan u sabeynayaa arrintaas kuwaasoo kala ah: inay iyagu weli dagaalka sii wadaan iyo ragga madaxda ka ah oo aan la imaan hoggaan fiican iyo karti ay wax uga qaban karaan dalka.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu ay kusoo koobantay in hadba caasimad la tago, hadba wadan la aado oo wafdi la ahaado, isagoo xusay inaysan waxba soo kordhinayn in Mareykanka la tago ama Yurub la tago haddii aan gudaha waxba laga qaban.

“Madaxweynuhu wuxuu madaxweyne ku yahay inuu sugo nabadgalyada dalka uuna maamulka gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay hadalkiisan sida sirta ah looga qabtay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo khilaaf ka dhashay qaraxii Tiyaatarka ee ay dadka badan waxyeelladu kasoo gaartay uu dhexeeyo madaxda dowladda KMG ah, iyadoo hadalkanna uu sii adkeyn karo khilaafka labada mas’uul u dhexeeya.

Qaraxaa Tiyaatarka oo lala damacsanaa in lagu qaarijo Ra’isal wasaare Gaas ayaa la hadal haayaa in masuuliyiin dowlada dhexdeena ay wax ka abaabuleen.

COMMENTS