September 4, 2010 | Posted by Duhur

Warar hoose oo ay heshay Duhur ayaa sheegaya in shalay Garoonka Duyuuradaha ee Magalada Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Ra’iisul Wasaaraha Somali Mr Sharma’arke.  .

Ciidamada AMISOM ayaa ku amartay Masuuliyiin uu hogaaminayay Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Somaliya in aysan dalka ka bixi karin taasina ay tahay amar kasareeya AMISOM .

Dib u Celenta lagu Sameeyay Ra’iisul wasaaraha ayaa Anfariir ku riday madax badan oo ka tirsan Xukuumadiisa kuwaasi oo la socday xiliga garoonka loo diiday in uu gudaha u galo .

Sarkaal magaciisa diiday in la shaaciyo ayaa Duhur u sheegay in ay la xariirto dib u soo celinta Cumar C/rashiid amar uu bixiyay madaxweynaha kaasi oo ahaa in ay madaxda dalka aysan ka dhoofin Muqdisho tan iyo inta ay dagalada istagauyaan .

Masuuliyiinta Dowlada aya u hanqaltagaya dhamaantooda qaabkii ay uga dhoofi lahaayeen Muqdisho mada ay ku soo dhawaatay Rasaasta Al-Shabab .

Al-Shabab ayaa warbaahinta ka iclaamisay in ay Toogan doonaan dhamaan Madaxda Dowlada KMG meelkasta ay ka daganyhiin Muqdisho kadib falkii naxdinta la haa ee ka dhacay Hotel Muna .

Ugu danbeentii Cabsi farabadan ayaa la soo daristay Masuuliyiinta Dowlada gaar ahaan xildhibaanada iyo shaqsiyaadka Xilalka hoosi ka hayaan Dowlada mada ay u dhaaratay Al-Shabab isla markaana aysan heesan Ilaalo gaar u ah oo amaankooda iaalineesa.

COMMENTS