May 9, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku celiyay warqad Istiqaalad aheyd oo uu soo gudbiyay Maareeyaha Dekeda Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle, kadib markii dhowaan Madaxweynaha uu ka dalbaday Maareeyuhu inuu istiqaalada soo gudbiyo, kana tanaasulo xilka Dekeda.

Maareeyaha Dekeda Muqdisho Sayid Cali uu Ra’iisul Wasaaraha u geeyay istiqaaladiisa uu xilka kaga degayay, hase ahaatee uu ka diiday, kuna celiyay.

Warar ku dhow dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in aanu ku qanacsaneyn in xilli kala guur ah la sameeyo is bedel, isagoo ka dalbaday Maareeyuhu inuu howshiisa sii wado, hase ahaatee tallaabadan ayaa soo bixineysa xurgufyo hoose oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dhex jiray, kaasoo dhinacyo badan ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ah madaxii Gudiga Fulinta ayaa awood u siineysa inuu diido istiqaalada Maareeyaha Dekeda Muqdisho, waana shaqsiga soo magacaabi kara Maareeyaha Dekeda, waxaase durba arrintan ay noqotay in aad looga hadal haayo Madaxyooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay galab dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay dalka Kuwait ayaa laga sugayay maalmo gudahood inuu soo magacaabo Maareeye cusub, hase ahaatee arrinta lama filaanka ku soo baxday ayaa wax badan hakad gelineysa waji cusub oo siyaasadeedna furi doonta.

Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in mid ka mid ah Beelaha Muqdisho dega ay dalbatay xilka Dekeda Muqdisho, kadib markii beeshu ku andacootay in aanay helin xilalkii muhiimka ahaa ee Gobolka Banaadir ee deegaan ahaan ay ka soo jeedo.

Si kastaba ha ahaatee diidnimada Ra’iisul Wasaaraha ee istiqaalada Maareeyaha Dekeda Muqdisho ayaan la ogeyn raadka ay ku yeelan karto xiriirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo labaduba wax ka yar 100-cisho ay uga harsan tahay xilalkooda.

COMMENTS