May 14, 2017 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo
ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka
Qatar ayaa lagu waddaa maanta in uu halkaasi
kaga qeyb galo Shir Caalami oo ay ka qeyb
galayaan Madax ka socota Qaaradda Afrika iyo
sidoo kale Bariga Dhexe.
Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa ayaa waxaa
ka mid ah Madaxweynaha dowladda Suudaan
Cumar Xasan Al-Bashiir.
Mudane Kheyre ayaa sheegay in Shirka Doha
Forum oo lagu casuumo madax ka socota dalal
kala duwan iyo Hay,ado caalami ah ay
Soomaaliya sanadkaan ka qeyb galayso ,
islamarkaana kulamo kala duwan ay la qaadan
doonaan Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa.

Waxaana shirkani furi donna Amiirka Qatar
Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS