March 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Booliska dalka Kenya ayaa damiin ku sii daayay afar qof oo loo qabtay qaraxii bambo gacmeedka ee Sabtidii ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Majakos.

Dowladda Kenya ayaa weerarkaasi bambo gacmeedka loo adeegsaday ku eedeysay maleeshiyada al-Shabaab, sida laga soo xigtay qareenka u doodayay mid ka mid ah ragga laga shakisanyahay iyo saxaafadda dalka Kenya.

Booliska Kenya ayaa sheegay in raggaasi lagu sii daayay damiin, iyadoo sidoo kale la sameyn doono baritaanno dheeraad ah.

Mbugua Mureithi oo ah qareen u doodayay mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa sheegay in la sii daayay ninkii uu u doodayay, islamarkaana ninkaasi uu beeniyay eedeyntii loo soo jeediyay.

Ragga laga shakisanyahay ayaa lagu amray in ay warbixin siiyaan booliska maanta oo Talaado ah iyo waqti kasta oo looga baahdo baaritaanno dheeraad ah in lagu sameeyo eedeymaha la xiriira weerarkii bambo gacmeedka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi, kaasi oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.

Ciidamada booliska Kenya ayaa Axaddii qabtay afartaasi qof oo looga shakisanyahay qaraxii ka dhacay Nairobi.

COMMENTS