DUHUR-Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxuyadiin Xasan Jurus ayuu soo bandhigay rag dhalinyaro oo xirnaa Dareeska lagu yaqaano Dumarka oo al shabaab katirsanaa sida uu sheegay.
Gudoomiye Muxuyadiin Jurus waxa uu sheegay inay ka war hayeen dhalinyaradaasi baadi goobna ugu jireen ayna usuura gashay inay gacanta kusoo dhigeen maxkamadna soo istaajin doonaan sida uu hadalka udhigay.
Sidoo kale waxaa saxaafada la hadlay Taliyaha CIidamada Booliska Degmada Yaaqshiid Maxamed Maxamuud Yalaxoow waxana uu tilmaamay in amaanka Degmada u yahay mid aad uwanaagsan ciidamaduna ay waqti walbo heegan ku jiraan.
Taliyaha ayaa tibaaxay inay dhalinyaradaan kusoo qabteen howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay kasameeyeen degmada Yaaqshiid iyagoo xirnaa dharka Dumarka lagu yaqaanay dhawaana maxkamad ay la kori doonaan.

All Posts
BBC 0400 GMT









