April 15, 2017 | Posted by admin

Ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa Caawa Gacanta ku soo dhigay Kooxda Hubaysan oo dil Caawa ka geestay Degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir.

Raga la qabtay ayaa ahaa Rag Dil ka geestay Degmada Xamar jajab waxaana La qabtay iyaga iyo Gaari ay Wateen.

Ciidamada Amaanka ee labada degmo ee kala ah Xamar Jajab iyo waaberi ayaa iska kaashaday In Ragaasi gacan ku dhiiglaha ah Gacanta Xiligaan Lagu Hayo.

Waxaa laga qabtay Buundada Ansaluuti iyagoo Doonaya in ay Baxsadaan.

Tilaabadaan ayaa ah mid lagu Farxxi karo waxaana wararka Hoose ay sheegayaan in Raga dilka Geestay ay ka Tirsanaayeen Madaxtooyada soomaaliya.

Ruuxa Dil loo geestay ayaa ahaa gaadiid lay waxaana la sheegayaa in Raga wax dilay ay ka shakiyeen.
maxamed daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS